BREAKING NEWS

Imaaraadka oo Dekada Berbera u Gacan Galiyay Itoobiya & Shirkadda DP World oo shaacisay in Itoobiya La Siiyay

Qoraal ay si rasmi ah u soo saartay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxay ku shaacisay in dowlada Itoobiya ay ku leedahay saami gaaraya 19% dekedda Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Shirkadda DP World ayaa qoraalkeeda ku sheegtay iney iyadu leedahay saami dhan 51%, halka Maamulka Somaliland uu ku leeyahay 30%, iyadoo inta soo hartay oo gaaraysa %19 ay leedahay Itoobiya.

Munaasabada saxiixa heshiiska kama dambeynta ah ee dhismaha dekedda Magaalada Berbera ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, halka dowlada Itoobiya uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Axmad Shide iyadoo shirkadda DP world uu u saxiixay Madaxa Shirkadda DP World Sultan Axmad Bin Sulayman.

Itoobiya ayaa waxay maalgelin ku sameyn doontaa sida la sheegay wadooyinka gudaha, waxaana dhismaha dekedda ay bilaaban doontaa dhammaadka sanadkan.

Warka ku saabsan saxiixa heshiiskan ayaa ayaa ku soo beegmayaa xilli Jabuuti ay ka laabatay heshiis ay shirkadda DP WORLD ku dhiseysay dekedda Doraleh ee dalkeeda.

Heshiiskan maanta lagu saxiixay magaalada Dubai ayaa sidoo kale ku soo aadaya xili uu dalka Imaaraadka Carabta booqasho ku joogo raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali khayre iyo wafdi uu horkacayo.

Waxaa hubaal ah in maanta uun ay Imaaraadku iscadeeyeen arimaha Soomaliya, iyaga oo doonay in Dekadihii Soomaliya lagu Wareejiyo Itoobiya iyaga oo kala kaxaynaya guud ahaa Soomalida. Waxaa la yaab ah in Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali khayre iyo wafdi uu horkacayo lagu dul iibsanayo waddankii dhamaa ee uu u dhaartay mise isaga ayaaba Dhiilkan ku jira

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top