BREAKING NEWS

AMISOM oo La Tusay Awooda Ay Leedahay & Ciidamada Dowladda oo Baacsaday Al-shabaab

Al-shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay weerar dhaba gal ah oo ay u dhigeen kolonyo katirsan ciidama Amisom oo marayay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Wararka ka imaanaya duleedka Jowhar ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay wadada ugaleen kolonyo katirsan ciidamada midowga afrika ee AMISOM oo kusii jeeday dhanka Muqdisho.

War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab aya lagu sheegay in weerarkaasi uu ka dhashay khasaare xoogan oo soo gaaray askartii marayay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobalka Sh/ dhexe.

“Kolonyo katirsan Amisom oo gaarayay ilaa 16 gaari ayaa ciidamadeena wadada u galeen, waxaa gabi ahaanba cagta la mariyay 13 gaari oo kamid ahaa gadiidkaasi, waxaa naga bad baaday gadiidkaa ilaa sadax gaari oo kaliya, askarteyna ayaa wali ku sugan goobta” ayaa lagu yiri warka kaso baxay Al-shabaab.

Majirto war ka madax banaan sheegashada Al-shabaab ee ah iney gubeen tiro gadiid intaasi la eg.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya iney jirin gadiiid ku socdaalaya wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelaha dhexe, lagana dareemayo xiisad kacsanan ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top