BREAKING NEWS

Xukuumadda Somalia oo War lama filaan ah kasoo saartay Heshiiskii Imaaraadka, S/Land & Itoobiya ee dekadda Berbera

Xukuumaddam Soomaaliya ayaa war kasoo saartay heshiiskii Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya ee dekadda Ber-bera.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiska Dekadda Berbera u cadeynayo in Imaaraadka uu heli doono 51 boqolkiiba, Somaliland-na 30 boqolkiiba halka 11 boqolkiiba ay heleyso Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaas uu yahay mid aan sharci aheyn oo aysan waxba kala socon.

Sidoo kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaas uu lidi ku yahay hormarka iyo midnimada Soomaaliya.

“Waxaan cadeyneynaa in heshiskaas uu yahay mid waxba kama jiraan ah, waxaana ka digeynaa heshisyada noocaan oo kala ah”ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan wasaarada dekaddaha.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top