BREAKING NEWS

Ciidamada Police-ka Kisii oo Raadinaya Nin Waran Galiyay Kadibna Dhiiga Ka Cabay{VIDEO]

Police-ka ismaamulka Kisii ee Dalka Kenya oo Baadi Goob ugu Jira Nin Degan Tuulada Botibigi oo Lagu eedeyay in uu Waran Galiyay Nin Daris La ahaa oo ay is Qoomeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Danbiilaha Falkaan Geystay ayaa sidoo Kale Dhiiga Ka Cabay Ninka uu Dilay,Sida uu Police-ka u Xaqiijiyay Nin Ku Shaqeysta Mootooda oo Ku Nool aagaasi. Dadka Degaanka Irate oo Arintaan Ka Duulaya Kana Careysan Falkaan Foosha Xun ayaa Waxaa ay Dab Qabad siiyeen Beero ay Ka Baxeysa Qudaarta La Yiraah avocado iyo Mooska oo uu Lahaa Danbiilaha Dhiiga Cabay.

Xaaska uu Qabay Ninka Waranka La Galiyay oo Lagu Magacaabo Rispah Kwamboka Obara ayaa Waxaa ay sheegtay in Seygeeda uu u Sheegay in Lacag Deyn ah oo Dhan 1.600 Lacagta Shilinka Dalka Kenya ah uu Ka Doonanayo Saxiibkiis.

Taliyaha Ciidanka Police-ka Koonfurta Degmada Gucha Moses Kanyi ayaa Waxaa uu Shedegay in Dhiig Cabka Falkaan Geystay asaga iyo Qoyskiisa ay u Baxsadeen Dhanka Degaanka Trans Mara, Mr Gacha ayaa Intaa ku Daray in Raad Raacii u Danbeyay uu Muujinayo in ay La Tuhmaha uu ku sugan Yahay Degaanka Sirare si uu Kaga sii Gudbo Wadanka Tanzania.

Share this post

PinIt
    scroll to top