BREAKING NEWS

Wasiirka Arimaha Dibada Ee Imaaraadka oo Gaadhay Addisabab & Sirta Ku Duugan ee DP World Iibsiga (DAAWO)

Waftigii ugu Cuslaa ee uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada e Emaratka Carabta (UAE) Oo gaadhay Magaalada Addisababa, waftigan ayaa la kulmay wasaarada arimaha dibada ee itoobiya oo masuuliyiintii ugu saraysay ay la kulmeen, waxayna isla soo qaadeen xidhiidhka qotodadheer ee soo jireenka ahaa.

Wasiirka Arimaha dibada Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa sheegay in xidhiidhka Emaratka iyo Itoobiya soo bilaabmay 1973kii oo labadaasi wadan xidhiidh diblamaasi yeesheen balse waxaa uu xidhiidhkaasi si wayn usii adkaaday 2015kii oo labada wadan kor u qaadeen xidhiidhkooga.

Wasiirka arimaha dibada Emaratka Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin xidhiidh sii adkaanaya ee kala dhexeeya Itoobiya sidoo kalena sheegay inay maalgalin balaayiin Bir ah galiyaan sanadwalba maalgashi ahaan dalka Itoobiya. Wasiirka Emaratka Carabta u qaabilsan Arimaha Dibada ayaa sidoo kalena kulan la yeeshay Madaxwaynaha Itoobiya.

Socdaalkani Waftiga Emaratka ayaa kusoo beegmaya xili muran kala dhexeeyo shirkada Emaratka ee Dpworld wadamada Somaliya Iyo Jabuuti. Warsaxaafadeedka Itoobiya laguma soo qaadin muranka labadaasi kala dhexeeya iyo waxa laga yeelayo balse waxa la shaaciyay kaliya in la,isku afgartay waxyaalihii kulankaasi lagu gorfeeyay.

Warar xog-xogaal ah ayaa sheegay in hoos laga xariiqay in dowladda Itoobiya oo hibeeyo 11 sanno kadib dekada Berbera, sidaasna ay howshaas igu dhamaato, waxay kale oo hoos laga xariiqeen in saldhiga milteriga ay si toos ah uga howlgalaan.


|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top