BREAKING NEWS

Xildhibaan Fiqi “Balantayadu Waa Badbaadin Jawaari & Kadib Khayre oo Tagayaa

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay isku dhaarsadeen sidii loo badbaadin lahaa Baarlamaanka, oo uu ugala jeeday Guddoomiye Jawaari.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in ujeedkooda yahay sidii looga hortagi lahaa weerar ay Xukuumadda ku soo qaaday Baarlamaanka.

“Xildhibaanada golaha shacabku aqlabiyadoodu waxey isku dhaarsaadeen in la badbaadiyo barlamaanka, lagana hortago weerarka sharci-darrada iyo awood sheegadka isugu jira ee xukuumaddu ku soo qaaday”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay soo dhamaadeen dadaaladii iyo isku dayadii aan kala harka laheyn ee ay Xukuumadda waday, isagoo si jees jees uga hadlay inay dhiman tahay kaliya in kulanka khamiislaha Golaha Wasiirada lagu soo magacaabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Dhammaan isku dayadii iyo dadaaladii daba socday ee aan kala harka lahayn waa soo shiiqeen, waxaa dhiman oo qura shirka khamiislaha ah ama shir aan caadi ahayn oo golaha wasiiradu yeeshaan in lagu soo magacaabo guddoomiyaha golaha shacabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, madaxweynuhuna dikereeto ku soo saaro”ayuu si jees jees u yiri.

Guddoomiye Jawaari oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa aqbalay mooshinka, isagoo dalbaday in la marsiiyo xeer hoosaadka, isla markaana muddo 10 maalmood gudahood lagu horgeeyo Golaha shacabka, isla markaana cod loo qaado.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top