BREAKING NEWS

Saraakiisha Al-Shabaab Oo Sheegtay Qarixii Galabta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah laga helayaa qarax khasaaro geystay oo Galabta ka dhacay ka soo horjeedka hotelka Wehliya oo ku yaalla agagaarka Isgoyska dabka ee Wadada Maka Almukarama Magalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa gaari ayaa ku qarxay maqaaxi ka soo horjeeda hotelka Wehliye oo ku yaalla Wadada Maka Almukarama,waxa uuna sababay dhimasahda dad u badan Shacab oo maqaayada fadhiyay iyo kuwo Wadada marayay intaba.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaas,iyaga oo sheegay in ay ku dileen 10 Sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan ah mid sidii hore ka soo wanagsanaaneyso,waxaana lagu bilaabay nadiifinta burburkii uu sababay qaraxaas

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top