BREAKING NEWS

Waa Layaab In Xukuumadda Ay Indhaha Ka Qarsato Dhibaatada Kenya (YAABKA DAAWO)

Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo kamid ah Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku guuldareysatay wax qabashadda dhibaatada dowladda Kenya.

Fartaag oo maanta Warbixin siiyay Golaha aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya ay faragelin ku heyso Magaaladda Beledxaawo ee Gobolka Gedo,wuxuuna Xukuumadda Kheyre ku eedeeyay in ay indhaha ka qarsatay dhibaatooyinka cusub ee Kenya ka wado Magaaladda Beledxaawo.

Senator Fartaag ayaa ka dalbaday Guddoonka Aqalka sare in loo yeero Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda, si arintaan wax loogu weydiiyo.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dhibaatooyin laga soo sheegayay Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo maalinimadii shalay Shacabka Magaaladaas ay dhigeen dibad bax ay uga soo horjeedeen tallaabooyinka Dowladda Kenya, inkastoo markii dambe ay kala eryeen Ciidamadda Maamulka Jubba-land.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top