BREAKING NEWS

Warar Dheeraad Ah oo Ka Soo Baxaya Qarixii Sayidka (DAAWO SAWIRO)

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegay in Qarax gaari wado uu saacadu marka ay aheyd 04:00 galabnimo ee maanta ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan Kontorool Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee Koofi guduuda ay ku leeyihiin isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay gaariga qarxay in nuuciisa uu ahaa kuwa raaxada ah, kaasi oo ku jiray safka baarista gaadiidka mara wadada hormarta Madaxtooyada.

Jugta qaraxan ayaa si weyn looga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, qaraxa kadib waxaa cirka isku shareeray uuro madow, taasi oo ay arkeen shacabka qaar ee ku nool Muqdisho.

Ciidamada ku sugnaa Barta Kontorool ayaa qaraxa kadib riday rasaas fara badan oo ay kaga jawaabayaan qaraxa dhacay, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay ka akdhaw xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxan, Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta.

Goobta uu qaraxa ka dhacay sidoo kale waxaa gaaray gaadiidka gar gaarka deg deg ah ee Ambalaasta, kuwaasi oo halkaasi ka daad gureeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Khamiistii ina dhaaftay ayay aheyd markii qarax gaari ururka Al-shabaab ay la eegteen Maqaaxi lagu shaaheeyo oo ka soo horjeeda Hotelka Wehliye, kaasi oo dilay in ka badan 20 qof.

Share this post

PinIt
    scroll to top