BREAKING NEWS

Cumar C/rashiid Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Mooshinka Jawaari

Raisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ka hadlay Mooshinka dhawaan laga keenay Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari).

Cumar Cabdirashiid oo ku sugan magaalada Dubaia ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa isaga oo ka hadlay aragtidiisa khilaafka Baarlamaanka waxaa uu sheegay in uu ku talinayo arintaan in lagu dhameeyo wada hadal, haddii laga fursan waayana loo maro dariiqa sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamaanka.

‘’Runtii Arintaasi waa arin u baahan in si dhaqse ah loo xaliyo, waayo haddii ay soo jiitanto waxaa ay cuuryaamin kartaa howlihii golayaasha dowladda, haddi ay taa suurtal noqon weysanaya waxaa Haboon in cod loo qaado sida uu xeer hoosaadka iyo dastuurku qabo’’ ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Khilaafka u dhaxeeya Baarlaamaanka Soomaliya oo soo bilowday bishaan bilowgeeda ayaa haatan ah mid cirka isku sii shareeray, kadib markii Guddoonka ay isku qilaafeen waqtiga la qaban doono Mooshinka Jawaari.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top