BREAKING NEWS

Dowladda Soomaliya Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlaya Xiisada Ka Taagan Balad Xaawo (DHAGAYSO)

Maamulka Gobolka Gedo ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ay dhawaan ka wada hadli doonaan xiisada ka taagan Magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo si xiisadaas ay u istaagto.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed Aadan oo Shir Jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in dadaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya ay Kenya ku hakineyso dhismaah darbiga,isla markaana 27 Bishaan uu dhici doono kulan u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay isaga u wakiilatay in kulankaas uu uga qeyb galo,isla markaana Shacabka Soomaaliyeed ay kulankaas ka warsugaan,uuna rajeynayo in xiisada ka taagan Balad Xaawo xal laga gaaro.

27 Bishaan oo kulanka loo balamay ayaa ku beegan Talaadada Berito ah,waxana Shacabka Soomaaliyeed ay ka warsugaayan go’aanka ka soo baxa kulankaas,iyada oo Maamulka gobolka Gedo uu sheegayo in Kenya darbigii ay dhisli laheyd ay hakisay.

HALKAN DHAGAYSO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top