Sababta Uu Alexis Sanchez Gooni Wax Ugu Cuno Oo Fasiraad Ka Farxin Doonta Taageerayaasha Manchester United Laga Bixiyey

Alexis Sanchez kaligii ayuu wax cunaa sababo la xiririra juhdi badan oo uu kaliyo tababaro dheeraad ah si uu qaab ciyaareedkiisa kooxda u dhiso, waa sida la sheegay.

Laacibka u dhashay Chile bandhig wanaagsan oo loo riyaaqo la imaan Old Trafford tan iyo markii uu bishii January ka bedelay Henrikh Mkhitaryan kaas oo aaday Arsenal.

29 jirka waxaa laga reebay safkii United ee dhawaan rubuc dhammaadka ku reebtay Brightom FA Cup-ka.

Warar ayaa sheegay in Sanchez uusan farxad ku haysan Old Traffoord isaga oo dareemay in la go’doomiyey waxa ayna dhalisay in uu gooni wax cuno.

Hase ahaatee, sharraaxad cusub ayaa hadda laga bixiyey sababta keentay in uu gooni Sanchez wax u cuno waana mid ka farxin doonta taageereyaasha Manchester United.

Sidan ayuu ilow wareed ku dhaw United u sheegay Daily Star: “Waxaa jira fasiraad ah sababta uu Sanchez kaligiis wax ugu cuno Carringon.

“Waxa uu si joogta ah 30 daqiiqo oo dheeri ah u sameeyaa tababaro sida bulusyoono iyo laadad kaddib marka uu dhammaado tababarka guud.”

Alexis Sanchez gool qura ayuu United u dhaliyey 10 kulan oo uu u saftay ilaa iyo markii uu Arsenal kaga soo biiray.

    scroll to top