Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari oo ka hadlay Amnaanka Boosaso iyo Bacda Madow{Dhagayso}

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari Kornayl Cabdixakiin Yuusuf Xuseen Oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta qaybta booliska gobolka Bari ayaa sheegay inay ciidamadu habeen iyo maalin ku jiraan Heegan oo shacabka ay ka difaacaan Cadowga Buuraha sida uu shegay Taliyaha.

HALKAN KA DHAGAYSO

Taliyaha ayaa xiligii uu ka hadlayey Boosaaso wuxuu sheegay in shacabka laga doonayo inay gadiidkooda ka fiiqaan Bacda Madow ee loo yaqaan Bersalka taasoo uu sheegay inuu adeegsan karo Cadow farabadan sida uu sheegay taliyihu.

Wuxuu sheegay Hawlgaladii hore ee lagu xaqiijineyey Amniga gobolka Bari in lasii laba jibaaray oo ciidamadu ay xiligan baaritaan ku samanayaan dhamaan Gadiidka magaalada Boosaaso kuwa Bacda Madow lagu xirana ay ganaaxyo kusoo rogi doonaan taasoo ay sheegeen inay sababtay in la adeegsado Gadiidkaasi.

Kornaylka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidamada Amnaanka gobolka Bari ay soo qabteen dad badan oo looga shakiyey Amni daro iyo sidoo kale Gadiid iyagana lagu soo qabtay Bacda Madow ee Bersalka kuwaasoo xiligan ay kusocoto Baaritaan.

Share this post

PinIt
    scroll to top