BREAKING NEWS

Maxaa Lagu Haystaa Gudoomiye Jawaari & Xogta WidhWidh Online Heshay (Sir Culus oo Fakatay)

Warar Lagu kalsoon yahay oo WIDHWIDH ONLINE ay ka heshay Aqalka Sare ee Dalka ayaa waxaa loo soo gudbiyay Warbaahinta WidhWidh Online oo kaliya. Xogtan ayaa sheegaysa in Mudane Jawaari uu Dowladda Imaaraadka Ka Qaatay Lacag dhan 2 Millyan oo dolor si u fudeediyo arimaha Dekada Berbera. Lacagtan ayaa waxuu ku qaatay gudaha Waddanka Jabuuti xiligii ay aysan kala bixin DP World iyo Jabuuti. Sirdoonka Dowladda Jabuuti ayaa waxay soo gudbiyay Vedio iyo xog culus oo la is dhaafsaday DP World iyo Gudoomiye Jawaari. Waxaana ka mid ahaa in meesha laga saaro gabi ahaaba Farmaajo iyo Khayre.

Heshiiskan dhexmaray DP World iyo Jawaari ayaa ahaa kii ugu xooga badnaa ee abid soo mara dalka Soomaliya waxuuna ku fadhiyay lacag dhan 4 millyan oo dolor oo labo looba qadimay Jawaari.

Yaa Keenay Lacagta dhan 2 Milyan ee Dolor Dalka Jabuuti

Mr Yuvraj Narayan oo ah Chief Financial DP World  ayaa si toos ulla heshiiyay mr Jawaari iyaga oo ka wada hadlay arimo xasaasi ah iyo documentiyo uu ku wareejiyay mr jawaari sida lagu hayo video culus oo ay dowladda jabuuti ka hayso jawaari iyo Yuvraj oo ah ninka loo xilsaaray inuu wareejiyo lacagtaas dhan 2 millyan dolor.

Yaa Ka Shifay Mr Jawaari arimaha Qarsoon ee aan La ogayn.

Gudoomiye ayaa isla markiiba waxuu dhistay Guri u yaalada Airportka Adan Cadde oo aad u qaali, waxaana durba dareen galay Xukuumada uu hogaaminayo Khayre, waxaana la bilaabay guud ahaa la baadho lacagaha soo galay Gudoomiye Jawaari. Waxaana la ogaaday inay ka yimaadeen dalka Jabuuti, Dowladda oo tixraacaysa lacagtan ayaa baadhitaan guud lagu helay halka ay ka timid lacagtaniyo cida bixisay. Gudoomiye Jawaari kuma eegaan Airporta kaliya, waxuu si toos ah labo Guri oo qurux badan ugu dhistay Magaalada Baydhabo Janaayo, waxayna tani fajiciso ku noqotay guud ahaan dowladda, waxuuna Raysal Wasaare Khayre amar ku bixiyay in so hoose loo baadho halka lacag ka timid. Waxayna gashay halkii hore.

Labo isbuuc kadib Maxuu sameeyay Gudoomiye Jawaari.

Gudoomiye Jawaari waxuu ku kacay arin ay aad ulla yaabtay dowladda Soomaliya, waxuuna heshiis la galay shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga Isaga leh waxay dhisayaan Baarlamaanka Qaran. Tani waxay soo da-dajisay in Jawaari uu ku tuntay sharicigii dalka u yaalay. Waxuu dhexda u fadhiistay inuu isagu yahay ninkan Raysal wasaaraha dalka iyo wasiiradiisaba uu qaban karo shaqadooda.

Barito oo sabti ah waxaa loo qaadi doona cod mr Jawaari isaga oo haysta xildhibaano aan waxban ka ogahay arimaha Jawaari uu ku jiro, waxuunu jawaari kula talayay inay waxkasta ka horyimaadaan oo ku dhex dagaalamaan barito Baarlamaanka. Waana tan laga baqayo in Rasaas la isla dhaco barito hadii uusna imaan xal waara.
WIDHWIDH ONLINE 
NEWS DESK

Share this post

PinIt
    scroll to top