Wadooyinka Muqdisho oo Maanta Xiran iyo Xaalka Muqdisho oo Cakiran Siyaasad Ahaan

Waxaan maanta oo Jimca ah Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran waxaana meelaha qaar loo diiday Isticmaalka Gaadiidka iyo Dadka ka dib markii la soo dhigay ciidamo aad u hubeysan.

Wadooyinka xiran ayaa magaalada laba qayb ka dhigay waxaana aad u adag in la isaga gudbo magaalada Gudaheeda gaar ahaan dadka wata gaadiidka.

Wadada Maka Al-mukarama, wadada Wadanaha iyo in wadooyinka kale ee isku xira magaalada Muqdisho ayaa u xiran Ciidamada Dowladda waxaana dhibaatada arintaas ka dhalatay ay taabatay shacabka.

Si rasmi ah looma oga sababta loo xiray wadooyinka waxaana hay’adaha amaanka ay kuu sheegayaan warar kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in loo xiray digniin amni oo ka timid Saraakiil cadaan ah ku sugan Xarunta Xalane taasoo sheegaysa in Gaari Qarax uu ku jiro Muqdisho, halka warar kale ay sheegayaan in loo xiray sababo la xariira khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Golaha shacabka.

    scroll to top