BREAKING NEWS

Hooyo Soomaaliyeed oo Muqdisho ku dhashay cunug Mucjiso ah oo laba madax iyo 4-Gacmood leh,Yaabka !!

Mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho waxaa xalay ku dhashay cunug mucjiso ah, waxaa uu leeyahay labo madax iyo afar gacmood oo marka aad aragto waxaad moodaa mataano isku dhagan haddane qeybaha dhexe ee jirka ayuu iskaga dhaganyahay oo labo lugood iyo wax seyn u qaab eg ayuu leeyahay.

Cunugaan yar ee Mucjisada ah waa uu nool yahay, wuuna ooynayaa, hooyadiisa waa lagu qalay kadib markii ay sida caadiga ah ay u dhali weyday oo muddo ay foolaneysay.

Maanta ayaa ku booqanay cunugaan yar oo qoyskiisa Isbitaalkii uu ku dhashay Warbaahinta  ayeyna ugu warbixiyeen xaaladooda.

Aamino Xuseen Macoow oo ah ayeeyada cunugaan yar ayaa Warbaahinta u sheegtay in arintaan ay tahay mid mucjiso ah isla markaana xilgaan uu soo wajahay dhibaatooyin dhaqaale maadaama aysan aheed qoys dhaqaala haysata.

Ayaan Maxamed Sheekh oo ah Hooyada dhashay ilmaha leh labada madax , afarta gacan , labada lugood iyo waxa seynta lamoodo ayaa KNN uga shekeysay sida ay ku dhashay iyo mudadda ay waday uurka intaba, waxayna tiri “sagaal bilood ayaan caloosha kuwaday sida caadiga ahba horay ayaan Computer isku saaray waxay ii sheegeen in aan wado ilmo mataano ah, cunugaane waa da`ada labaad ee aan dhalo, midkii ka horeyna wuxuu ku dhashay si caadi ah”.

Waa mid kamid ah tusaalaha awooda Alle, waana dhacdo xanuun badan oo kamid ah kuwa muruga leh ee lagu arko caalamka , dalkeena Soomaaliya sidaan oo kale in hooyo ay dhasho ilmo leh labo madax , ama gacno iyo lugo ka badan inta caadiga ah ee aadanaha dhowr jeer ayay dhacday waxaana la tilmaamay in badi aysan sii noolaan culuumada diinta Islaamka ayaana ku tilmaamay in ay tahay arin mudan in lagu cibro qaadsho.

Share this post

PinIt
    scroll to top