BREAKING NEWS

Kudhawaad 10 ruux oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Hiiraan

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay Qarax ka dhacay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta degmadaasi.

Qaraxaan oo ahaa Miinadda Nuuca dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay in ay la kacday dad Shacab ah oo la sheegay in qaarkood ay saarneeyeen gaari Dameer.

Dadka uu Qaraxu haleelay ayaa kusii jeeday degaanka Buqaqable ee gobolka Hiiraan, waxana ay ka tageen degmada Buuloburde.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira Hooyo iyo Afar Carruur ah oo ay dhashay.

Gudoomiyaha degmada Buuloburde ayaa Widh Widh Online u xaqiijiyay dhimashadda dadkaan, waxaana uu sheegay in Shabaab ay bilaabeen in ay wadooyinka ku Aasaan Miinooyin ka dib markii uu xoogeystay howlgallada ka dhanka ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top