BREAKING NEWS

Midowga Yurub “AMISOM Waa Kawa Hortaagan Al-shabaab (Been Badanaa 20 Sano Danbe oo Loo Raadinay AMISOM)

Matalaha Madaxwaynaha midowga Afrika, ahna madaxa ciidamada Amisom Francisco Madeira, ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom, qaabkii ay  iskaga difaaceen Al-Shabaab oo shalay weeraray fariisimo ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelada Hoose.

Francisco Madeira, ayaa yiri Ciidamadeenu waxa ay u dagaalameen si adag waxa ayna ku guulaysteen in ay iska caabiyaan  Al-Shabaab oo weeraro ku soo qaaday fariisimo ay ciidamada Amisom ku lahaayeen  Degmooyin katirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Afhayeen u hadlay ciidamada Amisom, ayaa sheegay in weerarkii shalay ay Al-Shabaab kaga dileen ku dhawaas 30 askari, asagoona intaasi sii raaciyay in ay ka gubeen 8 Baabuur oo laba kamid ah ay saarnaayeen waxyaabo qarxa kuwaas oo ay wateen xarakada Al-Shabaab.

Dhanka kale Af-hayeenka Al-Shbaab Sheekh Cabdul Casiis Abuu Muscab, ayaa Tv’ga Al-Jazeera u sheegay in dhankooda ay ka dhimatay 14 ruux, halka uu ku sheegay Askarta Amisom ay weerarkaas kaga dileen in ay gaarayaan 59 Askari oo u badan ciidamada Uganda.

Weerarada Al-Shabaab, ay la beegsanayeen fariisimaha ciidamada Amisom, ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay sii xoogeystay ayadoona la ogsoon yahay in weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen horaantii bishii Maarso Degmada Balcad ay ku sheegteen in ay ku dileen illaa iyo 60 asakari oo Amisom katirsanaa.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top