BREAKING NEWS

Damu-Jadiid & Daljir oo Jawaari Qar Ka Tuuray & Dagaal Laga Cabsi Qabo Beri Inuu ka Dhaco Gudaha Baarlamaanka

Waxaa cad innuu fashilmay waanwaantii laga dhex waday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaanadii doonayey inay xilka ka qaadaan Maalintii Sabti aheyd ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u amray in la joojiyo kulankaas wuxuuna bilaabay waanwaan lagu doonayso in xiisadda lagu dhameeyo wadahadal iyo miiska korkiisa.

Haddaba sida aan xogta ku heleyno Waanwaantaas ayaa gebi ahaanba fashilmatay, waxaana lasoo sheegayaa inuu Guddoomiye Jawaari ku gacan seyray inuu aqbalo shan qodob oo uu madaxweyne Farmaajo hordhigay inkastoo aysan noo suurtagelin inaan helno qodobadaas iyo waxa ay ahaayeen.

Fashilka ku imaaday waanwaantaan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay sabab u aheyd kadib markii Xisbiyada Qabyo iyo Daljir ay jawaari ku qancinyeen inuusan aqbalin waanwaan iyadoo doonayo in ka faa’ideystaan foodada ka dhex taagan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xidhibaan Fiqi oo isaga ah ninka ugu tunka wayne in magaalada Muqdisho dagaal ka qarxo ayaa isagu wada dhibka ugu wayne ee Jawaari lagu difaacayo, isaga wax badan la cunay lacagtii baarlamaanka. Labadan xisbi ayaa iyagu doonaya inay meesha ka saaraan dowladda Khayre oo ay leeyihiin waxuu ka soo jeedaa beesha beelaha yar-yar.

Maalinta bari ah waxaa la tuuri doonaa Gudoomiye Jawaari oo isagu u muuqda nin shaadh uusan lahayn loo soo galiyay oo ah innuu isagu ka taliyo guud ahaa dalka Soomaliya, waana tan beesha Caalamku ku shaqaysato.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top