BREAKING NEWS

Gudoomiye Jawaari Oo Doonaya Inuu Iscasilo & Hoogamiye Burcadka Ka Ah C/Qaadir Cosoble Cali Ka Hor Istaagay

Wararka Goordhow ay soo baxeen wararka sheegaya in Gudomiye Jawaari lagu qanciyay inuu iscasilo iyada oo arintani beesha caalamka ka danbayso, ayaa waxaa arintaas ka hadlay xildhibaanada taageersan.

Fariin uu Bogiisa Twiitter-ka soo dhigay siyaasiga C/Qaadir Cosoble Cali oo kamid ah xildhibaanadda DFS, balse ahaan jiray nin hogaamiyo kooxeedyada gacansadata ka tirsan ayaa waxaa uu sheegay in wararka iscasilaadda ah ay yihiin kuwa aan rasmi aheyn.

Waxaa uu sidoo kale, sheegay inuu la xariiray Gudoomiye Jawaari, isla markaana uu usheegay inuusan iscasli doonin ilaa sharciga lagu kala baxo. Tani waxay si cad u sheegaysaa in C/qaadir Cosoble uu yahay ninka ugu dhibka badan ee dalka galiya isaga oo lacag aad u tiro badan ku bixiyay inuu gabi ahaaba dumo dowladdii dhamayd ee dalka ka jirta isaga oo isticmaalaya lacagtii uu dalka ka aruursaday xiligii aysan dowladdu jirin.

Dagaal ooge C/Qaadir Cosoble Cali ayaa ku caan baxay inuu maal galiyo al-shabaab oo mudo dheer ku dhexjiray inuu dowladdiba aysan ka dhalan waddanka iyo sharci kala danbayn ah. waana tan keentay inuu isku diro Hogaankii sare ee waddanka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top