BREAKING NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Jiidaha Tukaraq iyo Ciidankii Ku Sugnaa oo Bilaabay Inay Fariisimada Qaar Ka Guuraan.

Ciidamada difaaca Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland ee ku sugan agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa inay bilaabeen inay ka baxaan qaar kamid ah fariisimadii ay horay u deganaayeen.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidanku ay ilaa shalay galab ka ruuqaansadeen fariisimada qaar oo horay ugu oollaa dhul biyo mareen ah maadaama uu hadda cirku soo cusboonaaday isla markaana ay ka feejigan yihiin in biyuhu saameeyaan.

Ciidanka Soomaaliland horay fariisimo uga samaystay galbeedka Tukaraq ayaa lasheegay inay ka cabsadeen in Jiido biyo mareen ah ka degeen taasi oo sababtay inay hadda gaadiidkooda iyo sahaydooda u raraan meelaha biyo ka dheerta ah

Share this post

PinIt
    scroll to top