BREAKING NEWS

Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tagay Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud (DAAWO SAWIRADA)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska xukumadda Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre waxaa xarunta Wasaarada kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaradda Eng Sadiq Abdi Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaradda iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaradda iyo Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaradaasi.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ku tagay xarunta Wasaarada Howlaha guud ayaa aheed mid u Kuur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaradda ka socda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaarada Howlaha guud oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka ,is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha Wasaarada inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Share this post

PinIt
    scroll to top