BREAKING NEWS

Maamul Gobaleedyadda Dalka oo Xubno ku yeeshay Gudiga Dastuurka sabab?

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in Maamul Goboleedyada ka jira dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ay xubno ku yeesheen guddiga dib u eegista Dastuurka Dalka.

Sanator C/Qeydbiid ayaa sheegay in Maamul Goboleedyada kala ah Puntland,Galmudug,Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay min hal xubin ku yeesheen Guddigooda.

Waxaa uu Qyebdiid sheegay in Guddiga aysan beddeleyn Dastuurka ee ay dib u eegis ku sameynayaan oo kaliya islamarkaana ay gudanayaan waajibka ka saaran dib u eegista Dastuurka.

Guddiga dib u eegista Dastuurka KMG ah oo markii hore laga sameeyay min shan xubnood oo Golaha shacabka iyo aqalka sare kala ah ayaa waxaa hadda lagu daray lix xubnood.

Guddiga ayuu sheegay Qeybdiid in la ballaariyay haddana uu marayo 16 xubnood kuwaas oo shaqadoodu tahay dib u eegista Dastuurka Qabyada ah ee dalka.

Share this post

PinIt
    scroll to top