BREAKING NEWS

Ciidanka NISA Oo Raadinaya Gaadiid Qaraxyo Wada Oo Muqdisho Ku Jira

Ciidamada NISA ee Muqdisho ayaa waxay haatan raadinayaa illaa Sagaal gaari oo xambaarsan qaraxyo, kuwaasi oo la sheegay in magaalada ay ku jiraan.

Sarkaal sare oo ka tirsan NISA ayaa inoo sheegay iney hayaan macluumaadka qaar kamid ah gaadiidkan, islamarkaana ciidanka ay si xooggan u shaqeynayaan

Waxa uu tilmaamay in gaadiidkan Labo mid ay noqon doonto, iney qabtaan isaga oo bad qaba ama iney qarxiyaan.

Noocyada gaadiidkaan in uu nala wadaago ayuu sarkaalkan ka gaabsaday, hase ahaatee ammaanka magaalada ayaa ah mid aad loo adkeeyay.

Al-shabaab ayaa xoojiyey weerarada qaraxyada ah ee ay ka fuliyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top