BREAKING NEWS

Kulankii Dhexmaray axmed Madoobe iyo Xidig{Daawo}

waxaa maanta magaalada Kismaayo Kulan ku dhexmaray Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo dhowaan soo gaadhay magaalada Kismaayo isagoo Musharax ah.

Kulankan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii uu Cabdirashiid Xidig Xarunta Madaxtooyadda kusoo Booqday Madaxwayne Axmed Madoobe, Wuxuuna kusoo aaday iyadoo dhowaan Garoonka diyaaradaha kismaayo laga celiyey  Shacab iyo masuuliyiin kasoo dhowayn lahaa Xil. Xidig.

Sidoo kale Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa Culayso kala duwan ku Wajihi doona Doorashada la filayo inay ka dhacdo Dhowaan Jubbaland, Isagoo Casharo siyaasadeed kasii Qaatay wixii Qabsaday Saaxiibadiisii Siyaasada C.wali Gaas iyo  Shariif Xasan.

Cabdinaasir Seeraar oo horay uga mid ahaa maamulka ayaa isaguna dhowaan ku dhowaaqay inuu yahay musharax madaxwayne, Waxaana sidoo kale laga Cabsiqabaa inay kusoo biiraan Loolanka Musharixiin taageero ka helaya madaxtooyadda Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top