BREAKING NEWS

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho & Ciidamo kolonyo ah oo lala eegtay

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso aya waxa uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Arbacow oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Goob joogayaal ayaa waxa ay sheegeen in jugta qaraxa lag maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo deegaanada ku dhow isla markaasna lala eegtay kolonyo ay la socdeeen ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka yimid dhinaca deegaanka Arbacow.

Qaraxa kadib ayaa ciidamadu waxa ay fureen rasaas ,waxaana weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay ciidamada AMISOM iyo rasaasta ay fureen intaba.

Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ciidamada AMISOM ay xireen wadada soo gasha iyo tan ka baxda goobta uu qaraxaasi ka dhacay.

Deegaanada ku yaala duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan qaraxyo lagula eegtaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM xiliyada ay ku socdaalayaan, kuwaas oo sababa khasaarayaal kala duwan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top