BREAKING NEWS

Dhaqaalle Xoogan oo Muqdisho looga Aruuriyey Cisbitaalo laga dhisay Sool iyo Cayn(DAAWO VEDIO)

Waxaa magaalada Muqdisho  Lagu Qabtay Munaasabad dhaqaale loogu ururinayey Cisbitaalo laga dhisay deegaanada Ar-boogays iyo Widhwidh oo ka tirsan Gobolada Sool iyo Cayn waxaana hirgeliyey Kal-kaal maternity Care oo ay aas-aaseen Gabdho Soomaaliyeed.

Waxaa Guul kusoo dhamaatay Ururintii dhaqaalaha loogu talo-galay qalabaynta iyo hawl-socodsiinta labadaa Cisbitaal ee la dhisay.

Munaasibadan ayaa waxaa sidoo kale kasoo Qayb galay Madax kala duwan oo ay kamid ahaayeen Marwada koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macalin, Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalle Cawad, Wasiiro iyo Xildhibaano labada aqal ah iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir eng. Abdirahman Yariisow iyo ganacsatadii, haweenkii iyo dhalinyaradii dhamaantood way mahadsan yihiin ajiibka iyo tabarucaadka Aakhiro iyo Adduunba ajar iyo xasanaadba aan ka helayno.

Baahiyaha bulshada ee aas-aasiga ah, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, jidadka iyo tamarta korontada waa adeega ay dowlada shacabkeeda u fidiso, sidaan ognahay mudo 30 sano ah dowladnimadii Soomaaliya ay burbursanayd waxaa kaalinkaa buuxinayey bulsho isxilqaantay iyo mucaawimo ka timaada wadamada shisheeye.

Waxaan siwyan loogu mahadceliyey  hal-abuurka iyo fulinta mashruucan labada Cisbitaal gabdhihii keenay ee buuxiyey kaalintaa muuqata ay ugu horayso Dr’s. Fowziya Haji Dirir iyada iyo gabdhaha kale ee ku bahoobay kalkaal maternity. Alle wanaaga Khayr ha ugu badalo.

Lacagta halkaasi looga Aruuriyey Labada cisbitaal ayaa gaadhaysa ku dhowaad 200 oo kun oo Dollar.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top