BREAKING NEWS

Tahriibayaal Afduubtay Markab nuuca Xamuulka qaada ah oo soo bad baadiyay

Tahriibayaal ka badan 100-qof oo kasoo safray xeebaha Liibiya kuna sii jeeday Qaarada Yurub ayaa afduubtay Markab nuuca xamuulka qaada ah oo bad baadiyay xili ay Tahriibayaashaasi ku sugnaayeen xaalad adag.

Dadka Tahriibayaasha ayaa la sheegay in ay bilaabeen in ay afduubaan Markabka markii lagu wargaliyay in dib loogu celinayo dalka Liibiya ay kasoo safreen, waxa ayna Tahriibayaasha Kabtanka ku qasbeen in uu u wado dhinaca Jaziirada Malta.

Markabka la afduubtay ayaan wali la ogeyn halka uu ku dambeeyo, waxaana guul dareestay dadaalo la doonayay in lagula xiriiro Markabka ay afduubka ku qabsadeen Tahriibayaasha.

Dowladaha Talyaaniga iyo Malta ayaa si adag u sheegay in Markabka ay afduubteen Tahriibayaasha aysan u ogolaan doonin in uu xeebahooda kusoo xirto, waxa ayna talaabadaasi lagu afduubtay Markabka ku tilmaameen mid laga xumaado.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa tahriibeyaasha Markabka afduubtay ku tilmaamay burcad badeeed, waxa uuna cadeeyay in dadkaasi aysan u ogolaan doonin in dalkooda cagta soo dhigayaan ama xitaa arkaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top