BREAKING NEWS

Ciidamo Weeraray Xarunta Tv-ga Universal ee Muqdisho iyo iska hor imaad halkaasi ka …

Ciidamo katiran booliika Soomaaliya ayaa goordhaw weeraray xarunta Telefishinka Universal ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhax maray ciidamada booliiska iyo Ilaalada xarunta Telefishinka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada booliiska oo tagay xarunta Telefishinka iska hor imaad kala kulmeen Ilaalada xaruntaasi, waxaana mudo daqiiqado ah la maqlayay rasaasta labada dhinac is dhaafsanayeen.

Wariye katirsan Telefishinka Universal ayaa bartiia Facebooka kusoo qoray in ciidamo katirsan booliiska weerar kusoo qaadeen xarunta xili ay howlmaameedka caadiga ee Telefishinka kuguda jireen.

Ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada  ee Koofiya casta ayaa tagay xarunta Tv-ga oon sidaa uga fogeyn Madaxtooyada, waxa ayna ciidanka goobta ka wadeen ciidamada booliiska iyo ilaalada is xabadeeyay iyo sidoo kale qaar kamid ah shaqaalaha Tv-ga.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay xarunta Telefishinka Universal, sidoo kale lama oga sababta keentay in ciidamada booliiska ay weeraraan xarunta Telefishinka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top