BREAKING NEWS

Hogaamiye loo heysto Musuqii lacageed ee ugu weynaa dunida oo Maxkamad la soo taagayo

Hogaamiyihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak ayaa maanta oo Arbaca ah maxkamad lasoo taagi doonaa, iyadoo loo heysto musuqmaasuq ah inuu lunsaday lacago Balaayiin dollar ah.

Ku tagri-falidda lacagahaasi tirada badan ayaa aad uga yaabisay aduunyada, waxana ay door ka ciyaartay isbaheysigii uu madaxda ka ahaa ee muddada dheer soo xakumayay dalkaasi uu guuldarrooyin kala kulmo doorashooyinki dalkaasi ka dhacay sannadi hore.

65 jirkaan ayaa maanta wajahaya mid ka mid ah dhowr dacwadood oo lagu soo oogay, waxaana tan ugu weyni ay tahay xatooyo malaayiin dollar ah. Lacagahaasi ayaa markoodii hore loogu talagalay maalgeshi dibadda uga yimid Maleysia, taasoo la rabay in lagu horumariyo dhaqaaqala dalkaasi dhaca Koonfur bari Asia.

Ka hor inti aanu lumin doorashadi sannadki hore, waxaa aad loogu saadaalinayay inuu si fudud ugu guuleysan doono, balse waxaa kaga guuleystay doorashada, hogaamiyihii muddada dheer soo xakumayay Maleysia Mahathir Mohamad.

Najib Razak ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay, waxaana musuq loo heysto uu noqday kii ugu weynaa ee caalamka soo mara.

Share this post

PinIt
    scroll to top