Weerar ka dhacay Baydhabo iyo howlgal ka socda[DHAGAYSO]

Faah faahin dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar bambaanooyin ah oo xalay lagu qaaday Koontorool laga ilaaliyo Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

HALKAN KA DHAGAYSO

Rag hubeysan oo watay Mooto Bajaaj ayaa la sheegay in bambaanooyin ku weerareen Koontoroolka,waxaana ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan Ciidamada ku sugnaa Barta Koontorool.

Wararka saakay lag helayo Magalada Baydhabo ayaa waxaa ay ku waramayaan in ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan howlgallo baaritaan o ah oo lala beegsanayo Mootooyinka Bajaajta iyo Gaadiidka kale.

    scroll to top