BREAKING NEWS

Shiikh Shariif & Xasan Shiikh oo hadalo kulul ku Weeraray dowlada Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynayaashii hore ee Somalia ayaa maanta si kulul weeraray hab dhaqanka iyo siyaasada ay dalka ku hogaamineyso dowlada uu hogaamiyaha yahay madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inaan laga aamusi karin xaaladda dalku ku sugan yahay xilligan ee amniga, siyaasadda iyo dhibaatooyinka jira, taasina aysan macnaheedu ahayn in la dhaleeceeyo dowlada hadda jirta.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu ballanqaaday doorashadii Farmaajo kadib inuusan ka daba hadlin dowladda, taasina uu weli ku taagan yahay balse hadda uu meteleyo xisbi siyaaasadeed.

Wuxuu soo qaaday in si doorasho loo galo loo baahan yahay in dastuurka KMG ah la dhammeystiro.

Shariif ayaa hadalkan ka jeediyey xafladda daah-furka xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran wuxuuna xusay inaan loo baahneyn in hay’adaha dowladda ay hal meel ku ururaan ee loo baahan yahay in hay’ad waliba shaqadeeda gudato

“Waxaan ognahay in amniga magaalada Muqdisho iyo dalka guud ahaan hoos ayuu u sii dhacayey, Ciidamadeenu ma yara, waxaa na caawiya ciidamo kale, magaaalada inay sidan u xirnaato iyadoo amnigii aanu jirin, waxaan aaminsanahay in dib loogu laabto arrintas, hay’adaha amniga waa inay shaqeeyaan, dadkuna ay taageeraan” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu kaloo ka haldlay inuu aaminsan yahay in Al-Shabaab lala dagaalamo oo aanu ogeyn sabab loola heshiiyo Shabab oo canshuur ka qaadato Dekadda Muqdisho, wuxuuna soo jeediyey in dagaal dhab ah lagu qaado.

Sheekh Shariif ayaa tiriyey fashilka dowladda Federaalka ka heysta arrimo badan, sida xiriirka dibadda, maamul Goboleedyada, Amniga, xiriirka dowladaha deriska iyo arrimo kale, wuxuuna sheegay inaan la iska aamusi karin inta waxa kasta burburayaan.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay munaasabadan ayaa ka jawaabay hadal ku jiray khudbad uu dhowaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka jeediyay xarunta degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa iney gacan bir ah ku qabanayaan kooxaha amni darada ka shaqeynaya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalkan ay heysato dhibaatadii laga dhaxlay kelis talis gacan bir ah ku soo qabtay, waana tan maanta 30 sano na dhigtay ayuu yiri fidnadii ka dhalatayna ay weli socota

Mar uu ka hadleyay xoriyadda hadalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee dhaliila dowladda ayuu yiri: “Dadka waa hadlayaan, haddii laga hor istaagan si walboo ay ahaato waa isu tegayaan, haddii qaranka wax kasoo horjeedo laga hadlana qaran dumis in la yiraahdo waa af-qabasho iyo waxaan raali laga noqoneyn, dhaqan suubanna ma ahayn.

Share this post

PinIt
    scroll to top