BREAKING NEWS

Xildibaannada Golaha Shacabka oo Maanta kulan xasaasi ah yeelanaya

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada muqdisho.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah Hindise sharciyeedka Ganacsiga, iyada oo Akhrintiisa labaad la marsiin doono,waxaana kulanka Maanta hortagaya mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyey in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Golaha,waxaana Wasaaradda Ganacsiga ay ku howlan tahay soo dhisida Hay’ada ka hortagta waxyaabaha tayadooda aan wanaagsaneyn ee dalka la keeno.

Maalintii Sabtida aheyd ee todobaadkaan ayaa kulanka Golaha Shacabka uu u booqday sababo la xiriira kooram la’aan hayeeshee Maanta oo Isniin ah uu furmi doono.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top