BREAKING NEWS

Xukun dil ah oo lagu riday qaar kamid ah dadkii dilay Axmed Dowlo

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta oo talaado ah xukun dil ah ku riday qaar kamid ah dadkii ka dambeeyay dilkii naxdinta lahaa ee nolosha lagu gubay Marxuum Axmed Mukhtar Saalax (Axmed dowllo).

Sida aan wararka ku heleyno Maxkamada gobolka Banaadir ayaa xukun dil ah ku riday sadex kamid ah dadkii loo heestay in ay ku lug lahaayeen falkii argagaa lahaa ee lagu dilay Axmed Dowlo.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa dambi ku weysay qaar kamid ah dadkii u xirnaa in ay ku lug lahaayeen dilka, sida aan wararka ku helnay dadka xukunka dilka ah lagu riday ayaa la sheegay in aysan ku jirin hooyada dhashay gabadha guurkeeda uu sababay dilka.

Kiiska dilka Maxruum Axmed dowlo oo dhacay 20 September 2018 ayaa waxaa dhaliyay markii ay laba qoys oo deris ahaa isku qabteen Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay marxuumka la dilay, taasoo ay ugu wacneyd arrimo la xiriira heyb sooc.

Share this post

PinIt
    scroll to top