BREAKING NEWS

RW’ Khayre oo ka yaabsaday Shacabka Garoowe iyo Gooba aan laga filanayn Uu’ soo maray [Daawo Vidio]

Khayre ayaa lugeeyay wadooyinka Garoowe, isagoo shacabka shaah iyo sheeko kula wadaagay qaar ka mid ah meheradaha lagu Qaxweeyo ee ku yaal barxada Garoowe iyo xaruntii hore ee madaxtooyada Puntland. Waxaa kaloo uu booqday qaar ka mid ah carwooyinka iyo goobaha ganacsiga ee Garoowe.

Wuxuu dhagaystay cabashooyinka iyo talooyin ay u soo jeediyeen odoyaashii, dhalinyaradii iyo haweenkii uu kula kulmay goobaha uu booqaday. Waxaa uga mahadceliyay sida diiran ee shacabku ay markasta u soo dhaweeyaan, isagoo u duceeyay shacabka iyo magaaladda Garoowe.

Booqashada Khayre ee Magaaladda Garoowe ayaa imaanaysaa iyadoo dhammaan madaxdii federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah uu maanta shir gogol xaadh ah uu uga furmay xarunta madaxtooyada ee Garoowe.

HALKAN KA’DAAWO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top