BREAKING NEWS

Weerar Qorsheesan oo ka dhacay Toora Toorow

Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa weerar qorsheesan oo dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaanka Toora Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo xarun weyn ku leeyihiin dagaalyahanada Al Shabaab.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in weerar axadii ka dhacay deegaanka Toora Toorow lagu dilay sadex xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab.

Gregg Olson oo ah Agaasimaha howlgallada AFRICOM ayaa sheegay in ay wadaan qiimeynta weerarkii  ka dhacay deegaanka Tooro Toorow xubnaha lagu dilay in ay saraakiil ku jiraan, waxa uuna xusay in dad shacab ah aysan khasaaro kasoo gaarin weerarka.

Mareykan ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ay la beegsadaan dagaalyahanada iyo saraakiisha Al Shabaab, waxa ayna Saraakiisha Mareykanka sheegeen in duqeynta lagu garab siinayo ciidanka Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fuliyaan deegaanada Al Shabaab , waxaana duqeymaha Mareykanka marar badan ay khaaaro kasoo gaartay dad shacab ah oon waxbo galabsan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top