Sanad guuradii 76aad Ee asaaskii xisbigii xornima doonkii SYL Qore :- Dr. Abdulkadir Ali Bolay{Akhriso Maqaall}

Dr. Abdulkadir Ali Bolay

Soomaaliyey toos maanta waa maali weyn oo qadarin mudan waan sanad guuradii 76aad ee asaaskii xisbigii xornimada doonka ahaa ee SYL sidaasi darted waxaa xusid muddan in mar walba aan xusno geesiyadii naftoodda u huray xornimadda maanta aynu haysano.

lahaa horumar iyo barwaaqo islam markaasi na lagu dadaalo sidii loo heli lahaa kalsoonidda shacab si loo helo nabad iyo noolal.

Dagaalkii Labaad ee adduunka markii uu soo dhamaaday waxaa bilaabmay dhaqdhaqaad xornima doon ah nasiib wanaag dhalliyaraddii soomaaliyeed oo xiligaasi ka damqaday xanuunkii gumeysiga, oo ka koobnaa 13kii dhallanyaro oo asaastay xisbigii gobanimadoonka SYL iyo dhamaan inta ka soo qayb qaadatay horseedkii xisbiga oo halgan adag u soo galay in dalka iyo dadka ba laga dul qaado gumeysii Talyaaniga waxay naga muddan yihiin in aan u duceyno oo aan marka walba xusno.

Odayaashii SYL wax yar oo fara ku tiris ah ayaa weli ka nool dalka guddihiisa iyo dibadda ba oo dawlada iyo shacaba aysan ka warqabin arrintaasoo ah mid aysan naga mudneyn balse in laga warqabo isla markaasi na waxayna naga muddan yihiin in aan u duceyno inuu ilaahay siiyo siiyo caafimaad taam ah , sidaasi darteed waxaan kula dardaarmayaa dhallinyarada maanta jira in ay xil iska saaraan sidii ay u buuxin lahaayeen doorkaasi maanta ay baneeyeen odayaashii naftoodda u soo huray xoriyada maanta aynu haysano , waxaana dhallinyaradda looga baahan yahay in ay ku faanaan taariikhddii awoowayaashoodda oo ay mar waliba xusan sidii loo gaarsiin lahaa jiilalka soo socoda taasoo ah sharaf iyo qadarin ba u ah dhallinyaradii miraha xornimadda noo keenay.

Intaasi ka dib haddii aan dib ugu soo noqdo mowduuci maanta ku saabsanaa xuskii xisbigii xaq u dirirka ee SYL inta aan la aasaasin xisbigaasi waxaa kulmay dhallinyaro ka damqaday gumeysiga waxayna ku guuleysteen in ay sameeyaan ururkii ka la magac baxa S.Y.C ( Somali Youth Club ) oo ahaa urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay mustacmarkii ingiriiska markaasi dalka haystay mar na ma oggaleyn in ay kulmaan dhallin yaradda aqoonta leh, ujeeddada loo aasaasay na ay ahayd meel ay ku kulmaan dhallinyaradda soomaaliyeed. Ururka SYC muddo ka dib wuxuu isku beddalay urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L (Somali Youth Club)

Runtii waxaa manta ii faraxd ah in aan halkaani hambalyo iyo boogaadin ba u diro dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, munaasabadda maanta oo ah sannad guuradii 76aad halgankii gobanimadoonka ahaa iyo guushii uu soo hooyey xisbigii S.Y. L. (Leegada) waxaan ilaahay ugu baryeenaa dhamaan geesiyaddii naftoodda iyo maalkoodda u hibeeyey xoriyadda maanta aynu haysano inuu Eebbe naxriistiisa ku maneysto oo jannadiisa fardoosa ahayd na ka waraabiyo , inta nool na waxaanu Ilaahay ugu rajayneynaa caafimaad taam ah iyo in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, shacabka soomaaliyeed na dhibaatadda ku habsatay inuu ilaahay ka dul qaado, colaadana nabad ugu beddelo .

Dawladda maanta jirta Nabad iyo Noolal in ay kordhiyaan dadaalka ay wadaan isla markaasi na ay saxaan wixii ka qaldama mucaaradkana waxaan leenahay in ay toosiyaan wax alla wixii qaldama laakiinse aysan noqonin kuwii wax dumin lahaa , wadankani wuxuu u baahan yahay inuu ka soo kabto xanuunkii muddada dheer uu ku jiray sidaasi darted dalka uma baahna dagaal sokeeye iyo burburin hor leh, waxaan leeyahay in laga fugaado is qab qabsi oo danta dalka iyo dadka aysan ku jirin balse waaxaa loo baahan yahay dawladda iyo sharci dajinta ee barlamaanka in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii dalkani loo gaarsin

Mudane Cabdulqadir Sakhaawadiin oo ahaa guddoomiyihii ururka iyo Yaasiin Xaaji Cismaan waxay qoraal codsi ah u gudbiyeen Wakiilkii Ingriisa ee Soomaaliya u fadhiyey Sir William Eric Hallstead waxayna ka codsadeen in dhallinyaradda soomaaliyeed ay dhistaan naadi ay ku kulmaan , nasiib wanaag Sir William Eric markii uu akhristay codsigii wuxuu yiri, “ {waan idin oggolaaday maxaa yeelay annaga waxaan nahayd dawlad dimuqaraadi ah hase yeeshee waxaan idin kaaga digayaa inaad saameyn ku yeelanin wax alla wixii aamniga iyo xasiloonida dalka qalqal gelin kara iyadoo hadda lagu jiro xilli dagaal oo xasaasi ah iyo inaad faraha la gelin arrimaha siyaasadda}” oggolaanshahaasi ka dib waxaa na dhidhibadda loo dhigay oo si rasmi ah loo furay subaxdii taariikhdu ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen 13 dhallin yaro kala ah :

2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii)

3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke

1. Cqaadir Sheekh Saqaawadiin

4. Xaaji Maxamed Xuseein Maxamed

5. Cismaan Geedi Raage

6. Daahir Xaaji Cismaan

7. Dheexe Xaaji Dheere Xuseein

8. Maxamed Cali Nuur

9. Cali Xasan Maslax

10. Huudoow Macalin Cabdulle

11. Xaaji Maxamed cabdullahi (Xayeesi)

12. Maxamed Faarax Hilowle

13. Maxamed Cismaan Baarbe

Fadhigii ugu horeeyey Xoghaye guud Yaasiin Cismaan wuxuu soo bandhigay dastuurkii iyo barnaamijkii xisbiga oo ka koobnaa dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la helo soomaaliy weyn oo mideysan , lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed waxaa kale oo ka mid ahaa in tacliinta kor loo qaado , in afka soomaaliyeed la qoro , in la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun oo ay ka midka yihiin qabyaaladda iyo quursiga ama takoorka loo geysto dadka soomaaliyeed iyo qodobo

kale eek u sabsan xeer hoosaadkii yo maamulkii xisbiga ku dhaqmi lahaa.qodobadaasi oo idil si wada jir ay ayaa la isku waafay , xisbiguna howshiisa sidaasi ayay ku socotay , shacabka soomaaliyeed na oo aan kala harin ayaa soo dhaweeyey.

Muddo ka dib ururku wuxuu ku talaabsaday guulo wax ku ool ah taasi na waxaa u suurta gelisay mabda adag oo ay qaateen dhallinyaraddaasi {noolal ama geeri} oo ay isku dhaarsadeen. Munaasabadii weyned ee loo sameeyey sannad guuraddii 5aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga S.Y.L (Somali Youth League) May15, 1948kii, waxaa ka soo qayb galay wafuuddii kormeerka ku kala soo bixiyey dhulkaoo soomaaliyeed oo dhan , ujeeddada kormarkaasi laga lahaana uu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan iyo in la wacyi geliyo dadweyanaha soomaaliyeed sidii loogu muujiyo wafuuddii United Nations oo ahaa afartii dawladdood ee ku guuleysatay dagaalkii labaad ee adduunka (Mareykanka, Ingriisakla, Ruushka, Faransiiska) ee markaasi dalka ku sugnaa si ay u oggaadaan in ay soomaaliya diyaar u tahay in la siiyo xornimo iyo in kale..

Guddigaasi durbadiiba waxay bilaabeyn in ay xog ururiyaan waxayna dhegeysteen fikradahii iyo warbixinadii xisbiga SYL iyo Axsaabtii kale ee dalka ka jiray. Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nations taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii wakiilka xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkiii iyo rabitaankii ummadda soomaaliyeed oo ahaa rabitaan madaxbanaani iyo xornimo taam ah . Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud isaga oo wakiil ah SYL iyo xubnaha kale waxaa warbixintiisa United Nation hortiisa ka soo jeediyey uu ku caddeeyey in si deg deg ah oo aan shuruud aan ku xirneen ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo inta himiladaasi laga gaarayo afarta dawladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah Jamciyadda Qruumaha ka dhaxeysa.

Xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed oo ah in ay hantaan madax banaanin oo aan maqaar saar ahayn.

Runtii waxaa xusid mudan qoraalkii muddan Maxamuud Jaamac uurdoox uu u qoray Qaramada Middowey qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali weyn mideydsan oo xor ah isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan muddo 10 sannaddood gudohooda xornimo taam ah, taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta.

Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay, kuwaaso ay u kala qaybsanaayeen kuwa xornimadoon ah iyo kuwa ka soo hor jeedda , hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL , iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee ku sugnaa muqdisho , kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo , ka dib markii ay arkeen banana baxaasi , waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay

warbixitoodina ay ku ayideen ama ay ku taageereen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo inuu soomaaliya gaarsiiyo xornimo, taaso dawladda ingriisa ka careesisay , hase yeeshee caradaasi ka dib Ingariisa wuxuu cagta mariyey himilooyinkii xisbiga SYL diidmada la diiday awoogeed , sidaasi darteed Ingariiska oo ka xun go’aankii xisbiga SYL gaartay si la ma filaan ah dawladda Ingriiska ah 2 qayb oo ka mid dhulka soomaaliyeey gacanta u geliyey dalka Ethiopia iyo Kenya sidaasi ayayna ku burburtay himiladdii laga lahaa in la helo soomaali weyn.

Runtii Reer galbeedka iyo marekanka waxay diidanaayeen in Ruushka uu fara gelin ku yeesho Afrika gaar ahaan geeska Africka , Ruushka na wuxuu ka mid ahaa 4ta dawladood ee ku guuleysatay dagaalkii 2aad ee adduunka . United Nation ka waxay talo ku soo jeedisay maadaam shacabka soomaaliy ay raali ka yihiin dawaladda talyaaniga in asiga loo dhiibo koonfurta soomaaliya muddo 10 sannadood ah lagu gaarsiyo madaxbanaani. United Nationka waxay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad walbana ay u gubiyaan warbiin toodda United Nationka . Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii iyo July 1, 1960kii maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Waxaan jiilka maanta jira looga baahan yahay in la dhamastiro himilooyinkii xisibga oo ahaa in la maalin maalin ka mid ah in la helo soomaali weyn oo mideysan ujedadaasi fog waxaa sal u ah ama lagu gaari karaa midnimo oo kaliya isla markaasi waxaa loo baahan yahay in si wada jir ah hal meel looga soo hor jeesto cadowga soomaaliyeed oo u soo hanqal taagay in ay boobaan dekadaheyn iyo badd.

Dhallinyaraddii shalay xornimada inoo keenay iyagoo hal heeskoodda uu ahaa: { midnimo midnimo, Axyaa Waddani Axyaa Waddani iyo Soomaaliyeey toosooy toosooy isku tiirsada hadba kiini tag daran taagera weligin}” waddaniyadda ayaa lagu gudbi karaa dhibaatooyinka isla markaasi na lagu gaari kara horumar iyo midnimo , taasi ayay na ku soo noqon kartaa sharafkii shacabka iyo nabadgalyadii dalka , Waxaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guddaha iyo dibadda ba u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo

Waxaa soo diyaariyey

Dr. Abdulkadir Ali Bolay

    scroll to top