BREAKING NEWS

Kiiska Dacwadda Kornayl TUKE ee Maraykanka oo Gudaha dalka Laga Dareemay Iyo Beeshiisa oo Hadashay(DAAWO VIDEO)

 Iyadoo dalka Maraykanka dacwad looga oogay  Col. Tuke Yuusuf Cabdi Cali oo ku magac dheer Kornayl Tuke kana mid ahaa Saraakiishii Ciidamadii Xooga dalka ee Soomaaliya, Islamarkaanu uu si adag eedaymahaasi isaga Fogeeyay, ayaa hada wuxuu kiiskaasi u muuqdaa mid usoo wareegay Gudaha dalka oo laga dareemay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada Widhiwdh oo uu kasoo jeedo Col. Turke  Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Shaqsiyaad kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa Dacwado been ah ku oogeen Kornayl Turke,  Iyagoo ka leh danno gaar ah iyo inay ku dhoofaan.

“Ninkaasi wax uu dilay ma jirto, Waa nin la yaqaano,   Barnaamij ayaa la samaystay ah in lagu Dhoofo, waana sababta keliya ee Cirdigiisii iyo Sharaftiisii lagu wax yeelo, Horay ayaa loogu tagay Maraykan iyo Canada, hadana kuwa kale ayaa doonaya inay ku dhoofaan”.

Waxay si gaar ah Fariin ugu direen Waxgaradka Beesha Sacad Muuse iyo Xukuumadda Somaliland.

“Xasuuq hadii la gaystay Soomaali wixii kala gaadhay waad ogtihiin,   Kalshaale wixii ka dhacay waad ogtihiin, Kuwii Absame ee Hargeisa lagu xasuuqay cid ma sheegin, Kuwii widhwidh iyo Balihadhac ka dhacay waad ogtihiin waxaasi oo dhan waanu ka Aamusnay,  waana wax laga xumaado maanta in Qof lagu dhoofiyo wax aan jirin “.

Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa sheegay  hada wixii ka dambeeya Arintaasi ay Muujinayso, Qofkastaba uu ka xisaabtamo wixii soo gaadhay.“Reerka ninkaa la hadal hayo daba taaganoow, waxaad samayseen waad garanaysaan, Kuwaad ku samayseene waa ogyihiin,  oo maaha dad waalan, waxay noqonaysaa Ninkastoo wixii kaa maqan ku xisaabtan”. 

Wariye Sakariye Waddani
WidhWidh Online

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top