BREAKING NEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Laftagareen & danjire Ben Fender? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Maanta Magaalda Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender oo halkaas gaaray saaka.

Labada Mas’uul ayaa kulan gaar ah waxay ku wada yeesheen Xarunta Madaxtooyda Koonfur galbeed,iyaga oo ka hadlay arrimaha Siyaasda, Amniga iyo abaaro la sheegay inay deegaano ka tirsan gobolkaas ka jiraan.

Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya iyo Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa kaloo isla soo qaadeen sidii dowladda Ingiriiska ay Maamulka Koonfur Galbeed uga caawin lahaayeen dhinacyo badan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top