BREAKING NEWS

Gantaal lagu weeraray duleedka Safaaradda maraykanka Ee Ciraaq iyo Donald Trump oo iiraan u Hanjabay [Daaawo Video]

Milateriga ciraaq ayaa caawa ku dhawaaqay in gantaal lagu soo riday mandaqadda cagaaran ee magaalada baqdaad ee aadka loo ilaaliyo ooah mandaqadda oo ay ku yaalaan dhismayaasha dawlada iyo safaaradaha dalalka shisheeye oo ay ka mid tahay safaaradda maraykanku ku leeyihiin dalkaasi.

Qantaalkan oo noociisu yahay kuwa PM -ka dhawaaqiisana laga wada maqlay inta badan magaalada baqdaad ayaa la sheegay in aanu gaysanin wax waxyeelo nafeed ah sida ay baahisay wakaalada wararka ee routers.

Milateriga ciraaq oo bayaan soo saaray caawa waxa ay ballanqaadeen in faahfaahin dheeraad ah la soo bandhigi doono, sidoo kalena lagu jiro baadhitaan la doonayo in lagu qabto dadkii falkaa ka dambeeyey iyo gaadhigii ay wateen.iyadoo ay booliska ciraaq hawlgalo roondayn ah caawa ka bilaabeen gudaha magaalada baqdaad gaar ahaan wadada weyn ee maxamed alqaasim ee bariga caasimadaasi.

Safaaradii maraykanka ee ku taallay aagga lagu dhuftay gantaalka ayaa la caddeeyey in aanay gaadhin wax waxyeelo ahi, waxaana jirtay inay washington maalmo ka hor shaqaalaheedii safaaradaa joogay ee aan muhiimka ahayn dib ugala baxday halkaasi waana xilli ay maraykanku todobaadkii hore ciidamo dheeraad ah u soo direen bariga dhexe ciidamadaa oo uu madaxweynaha maraykanku ku sheegay kuwo ay kaga hortegayaan khataraha ka iman kara ciidanka ilaalada kacaanka iran iyo maleeshiyaadka ay taageerto Iran ee ciraaqku suga

HALKAN KA DAAWO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top