BREAKING NEWS

Buur Madaw Oo ka hadlay Sarkaal Beeshiisa looga dilay Lascanod Kana Horyimid Xadhiga DHAKOOL iyo Eedayn Muuse Biixi. [Daawo Video]

Saraakiishii Beeshayda  laga dilay,  Dawladda Somalia tacsi kama dirto, Aas Qaran looma sameeyo,  Waan ka xunahay Isha gaarka ah ee lagu hayo“.

Boqor Cismaan Buur-madow wuxuu sheegay in Cadaadis gaar ah lagu hayo Beesha uu kasoo jeedo, (Habarjeclo)  islamarkaana ay dhibaatooyin kala duwan ka tirsanayaan  Xukuumadda Somaliland.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inay dib u habayn kusamayn doonaan Siyaasaddooda, islamarkaana ay Beesha Habarjeclo iyo Garxajis ay shirk ku Qabsan doonaan Burco, Ramadaanta kadib.

Boqor Buur-madow isagoo ka hadlayey Xadhiga Xildhibaan Dhakool   “Hadii Dastuurku ilaalin waayo, Madaxwaynaha, Wasiirka iyo Xildhibaanka, Qof shacab ah ma ilaalin doono, Waana wax aan laga dul Qaadan Karin in Xabsiga lagu sii hayo, Waxaana usoo jeedinayaa Muuse Biixi, Dastuurka ayaad ku joogtaa,  Xildhibaanku waa inaanu Xabsiga kusii Jirin Ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

HALKAN KA DAAWO

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top