BREAKING NEWS

Dagaal U’ dhexeeya Puntland iyo Somaliland Oo ka socda Koonfurta Gobalka SANAAG. {Halkan ka Akhriso }

Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado uu wato wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdullahi Maxamed Xasan ayaa goordhaweyd ka bilowday galbeedka magaalada Damalla-xagare ee koonfurta gobolka Sanaag.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii  Wafdiga Puntland ay Booqasho ku tageen  Deegaanka YUBBE ee Gobolka sanaag,  Halkaasi oo Ciidanka Somaliland ay Horay ula wareegeen, Waxayna la sheegay inay Booqashadu Salka ku haysay sidii loo dhiiri galin lahaa ciidamada Puntland ee ku sugna jiida hore ee dagaalka.

Ilaa hada lama Xaqiijin Khasaaraha ka dhashay dagaalka, Waxaana  Wasiiradii booqashada ku tagay deegaanka Yube waxaa hogaaminayay wasiirka waxbarashada Puntland iyo Guudoomiyaha gobolka Sanaag Maxmuud Ismaaciil Ciyoon iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada difaaca Puntland.

Wasiirka waxbarashada ayaa maalmahan booqanayey magaalooyinka gobolka Sanaag oo uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo dhowaan Hargeisa hadlay ayaa sheegay inay sii daynayaan Maxaabiistii dagaalkii Tukaraq, sidoo kalana ay doonayaan inay nabad kula noolaadaan Puntland,   Mana Cadda cida maanta Bilowday dagaalka u dhexeeya Labada dhinac iyadoo lagu Jiro Xili Ramadaan ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top