BREAKING NEWS

Madaxweynaha Puntland oo u duulay dalka Shiinaha

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay ka dhoofeen garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe,iyaga oo kusii jeeda dalka Shiinaha.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kasii sagootiyay Xubno ka mid ah Golaha wasiirada Puntland , Xildhibaanada Golaha Wakiilada, Maamulka Gobolka iyo kan degmada iyo Xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

U jeedada safarka Madaxweynaha Puntland ee dalka shiinaha ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi kula kulmi doono Madax ka socota dalkaas,isla markaana ay ka wada hadli lahaayeen sidii dowladda shiinaha mashaariic uga fulin laheyd deegaanada Maamulka Puntland.

Maalma ka hor waxaa dalka shiinaha gaaray wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland,iyaga oo horudhac u ahaa safarka Madaxweynaha Puntland ee Shiinaha.

Waa safarkii labaad ee uu dalka kaga baxo Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid cabdullaahi Deni tan iyo bishii 8-dii Janaayo ee sanadkaan lagu doortay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,waxaana safarkii kan ka horeeyay uu ku tegay Wadanka Imaaraadka Carabta.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top