Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee K/Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa xalay kulan waxa uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyin ka mid ah dalka Koonfur Afrika.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Johannesburg,Xubnaha wafdiga ee la socda Madaxweynaha,Safiirka Soomaaliya u jooga Koonfur Afrika Jamaal Maxamed barrow,waxaana uu ahaa mid Madaxweyne Farmaajo ay ku soo dhaweynayeen.

Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika uga mahadceliyay midnimada ay muujiyeen iyo sida ay magaca wanaagsan ugu soo jiideen ummadda Soomaaliyeed.

Dhankooda xubno matalayay Jaaliyadda ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday in Madaxda dalkaasi uu kala hadlo dhibaatooyinka mar walba ay u geystaan Madaxda dalkaasi Soomaalida Ganacsi ahaan u jooga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo geba-gabeeyay safarkiisa,isaga oo saacadaha soo socda kusoo wajahan Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top