Raisul Wasaare Khayre Oo Soo xiray Imtixaankii Dugsiyada Sare Ee Dalka (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Jimce ah soo xiray Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare ee dalka, kaasoo 27-kii bishan bilowday dalka qeybo ka mid ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehlinayay wasiirka Waxbarashada ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah Xarumaha uu ka socdo imtixaanka, iyagoo dhiiragelinayay Ardayda sanadkan u fariisatay.

Waxaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Waxbarashada ay kula dardaarmeen Ardayda Soomaaliyeed inay si wanaagsan u sii wataan waxbarashadooda, isla markaana dadaal fara badan ay ku bixiyaan si mustaqbalka ay u noqdaan kuwo wax tara naftooda, dalkooda iyo diintooda.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top