XOG:Halis Ku Soo Wajahan Shacabka Laascaanood

Maamulka Somaliland ayaa wada qorshe la doonaayo in Lagu Burbursho Guryaha iyo Hantida Shacabka laascaanood iyadoo loogu soo dhumanaayo wax loogu yeedhay Master Plan .

Hargaysa oo ah magaalada ugu weyn dhulka maamulka somaliland waa magaala ugu Foosha xun dhanka Master Plan. mana jirto cid ku samaysay dib u haben ninkastana waxaa u dagay meeshu soo gaadho.

Hadaba Master Plan.ka laascaanood la doonaayo in Laga fuliyo ma la odhan kara waa mid la doonaayo in lagu baabiyo hanti iyo Guryo badan oo shacabka reer laascaanood leeyihiin.

Wasiirka Hawlaha Guud ee somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi  ayaa maamulka somaliland usoo wakiishay in uu fuliyo qorshahaasi isagoo adeegsanaya Maleeshiyada maamulka Somaliland.

Hadaba shacabka laascaanood ee la doonaayo in Hantidooda la burbursho lana rabo in wixii laga samayn kari wayay Burco iyo Hargaysa in laascaanood laga sameeyo inay ka digtoonadan.

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top