Ciidanka Puntland Oo Soo Baneeyay Jiida Tukaraq

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan dowladda Puntland ayaa maanta soo baneeyay saldhigyo muhiima oo ku yaala Aaga difaaca Tukaraq kuwaas oo cutubyo ka tirsan oo ku hubeysan noocyadda kala duwan ee gadiidka dagaalka saaka usoo ruqaansadey saldhigyo ciidan oo ku yaala duleedka magaalada Garoowe.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidankaan ayaa ka cabanaya xuquuq iyo mushahaar la,aan lasoo daristey saddexdii bilood ee u dambeysay.

Waxayna intaas ku dareen mudooyinkii u dambeeyay Ciidanka Puntland inuu si tartiib tartiib ah uga sii yaraanayo Aagaga dagaalka ee ay isku horfadhiyaan Somaliland.

In badan oo ka mid ah Dadweynaha Garoowe ayaa saaka indhahooda ku arkay ciidamo ku hubeysan gadiid dagaal oo farabadan oo magaalada uga gudbey dhanka Koonfurta Galbeed.

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top