Booliska oo faah faahiyay rag lagu toogtay Muqdisho & qarixii saakay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa faah faahin ay ka bixiyeen qarixii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Ciidamada amniga oo isla Magalada Muqdisho ku toogtay laba nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay ka warhayeen xogta qarixii Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho,isla markaana ciidamada amniga ay fashliyeen.

“Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka, waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxaas ayay tiri Taliye Zakiya.

Dhinaca kale Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa ka hadashay Ciidamada Ammaanka oo laba ruux ku toogtay magalada Muqdisho kadib markii ay weerareen Bar-kontorool oo Ciidamada Dowladda ku leeyihiin isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan.

Waxaa ay sheegtay in Ciidamada labada nin ay toogteen ay ahaayen kuwa hubeysan oo doonayay inay si awood ah kusoo gudbaan  bar kontrool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano,iyada oo u mahad celisay Ciidamada booliska eek u sugan barta-koontorool.

“ Ciidamada amniga dileen labo ka tirsan argagixisada Al Shabaab oo isku dayay in ay xoog ku soo maraan bar kontrool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan. Waxaan si gaar ah ugu mahad celineenaa shacabka xogta nala wadaagay anagoo awal digniin ka bixinay gaariga manta qarxay.

Xaalada Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Maanta ka duwaneyd maalmihii la soo dhaafay oo amniga Magaalada uu ahaa mid wanaagsan,waxaana weerarka lagu qaaday koontoroolka ciidamada Dowladda ee seybiyaano mas’uuliyidiisa sheegtay Al-Shabaab.

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top