BREAKING NEWS

Qodobo looga hadlayo Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 8/7/2019 waxaa ay yeelanayaan kulankoodii 14aad ee caadiga ahaa kaas oo ka qabsoomi doona Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah Akhrinta 3-aad ee Wax ka Badalka Sharciga Saxaafadda,kaas oo ay ku jiraan sida la sheegay qodobo badan oo muran uu ka taagan yahay,isla markaana u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyey in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Golaha,isla markaana la doonayo in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ksoo qeyb galaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa todobadyadii la soo dhaafay waxaa ka baaqday kulamo qaar taas oo loo aaneynayo in uu u baaqdo kooram la’aan,waxaana guddoomiyaha Golaha Shacabka uu dhowr mar digniin u diray Xildhibaanada

Share this post

PinIt
    scroll to top