BREAKING NEWS

Dagaalkii Ceel Afweyn oo sii xoogaystay dhimashada iyo dhaawaca oo ka badan 50 ruux

Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacmeen dagaallo culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday tuulooyin hoosyimaada degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag.

Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood oo halkaasi wada-deggan ayaa soo bilowday maalin ka hor balse sida la sheegayo waxaa xooggiisu dhacay isniintii shalay oo dagaalku ku fiday degaanno horleh islamarkaana labada malayshiya-beeleed ay isu adeegsadeen hubka culus.

Dad kala duwan oo ku sugan tuulooyin ka tirsan Ceel Afweyn ayaa soo sheegay in dagaalkii Isniintii shalay halkaasi ka dhacay uu khasaare badan gaarsiiyay xoola-dhaqatada miyiga iyo bulshada ku nool tuulooyinka hoos yimaada Ceel Afweyn iyo Dararweyn oo ka tirsan galbeedka gobolka Sanaag.

Qaar kamid ah degaannada lagu dagaallamay ayaa la soo sheegayaa in uu ka bilowday bara-kac baahsan iyadoo dadka rayidka ah ay u baxsanayaan tuulooyinka ka fog dhulkaasi dagaalku ka socday labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale gurmadka ay helayaan labada malayshiya-beeleed ayaa sii xoogaysanaya waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu sii socdo maadaama aysan jirin cid kala dhex gashay labada ciidan.

Dhinaca kale Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in ay ka gaabisay joojinta dhiiga shacabka ee isku qubanaya balse xukuumadda ayaan weli ka hadlin dagalkaasi.

Share this post

PinIt
    scroll to top